Waa Kanaa Sawir Kale Oo Laga Qaaday Akshay Kumar Xili Uu Waday Duubista Jadwalkiisa Labaad Ee Filimka Gold

Kadib Markii Uu Akshay Kumar Soo Gaba Gabeeyay Jadwalkii Koowaad Ee Filimka Gold Ayaa Akki Wuxu Bilaabay Jadwalkii Labaad Ee Filimka Wuxuuna Ka Bilaabay Magaalada Mumbai Xidiga Ayaa Waxaa Lagu Arkay Gaoonka Cricket-ka Ee Loo Yaqaan Wadala cricket ground, Sida Ayna Mumbai Mirror, Daabacday Xidiga Ayaa Halkaasi Wuxuu Ku Duubayaa Muuqaal Kamid Ah Filimka, Waxaana Halkaasi Joogeen Ilaa 20 Ciidan Oo Dadka Ka Ilaalinaayeen Inay Usoo Cararaan Xaga Iyo Akshay Kumar.

Tani Ayaa Waxay Sidoo Kale Abuurtay Hadal Haynta Ah In Filimkaan Uu La Yimaado Dardar Kale Iyo In Daawadayaasha Ay Sugi Waayaan Inta Laga Gaaraayo Sanada Cusub August 15, 2018, Oo Maalinta Xurnimada FIndia Ku Beegan.

Hoos Ka Arag Sawirka Xidiga Laga Qaaday Xiliga Uu Waday Duubista Jadwalka Labaad Ee Filimka Gold.

gold-1-new-1

Sida Aan Hore Idin Kula Wadaagnayba Filimka Gold Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlaayay Nolosha Balbir Singh OO Ahaa Ruuxii Hogaamiyaanay India Sanadii 1948 Ee Tartankii London Olympics, Filimka Ayaa Ku Tacaluqaayo Dhacdadaas Iyo Dhacdo Habeenkaas Dhacday Waxaana Filimka La Wadaan Mouni Roy, Kunal Kapoor, Amit Sadh, Sunny Kaushal.

Filimka Ayaa Waxaa Soo Saartay Honeymoon Travels Pvt. Ltd Waxaana Director Ka Ah Reema Kagti Oo Talaash Director Ka Ahaa Lana Dawan Doono Isbuuca Xurnimada India Ee August 15, 2018.

 

SHARE

Leave a Reply